Aadan Madoobe”Dib U Eegista Dastuurka waa mudnaantayada koobaad”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fadaraalka Shiikh Aadan Madoobe,ayaa sheegay in mudnaanta koobaad ay siinayaan dib u eegista Dastuurka Fadaraalka ah.

Aadan Madoobe,waxuu ku booriyay Gudiga dib u eegista Dastuurka in ay si dhakhso ah udoortaan Gudoomiye.

“Waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegista dastuurka mudnaanta koowaad aan siino. Xubnaha Guddiga Dastuurka BJFS waxaa laga codsanayaa in si degdeg ah ay u doortaan guddoonkooda, maadaama Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay min 5 tii xubnood doorteen kalfadhigii 1aad.
Xukuumadda dhankeeda waxaa la farayaa in si degdeg ah ay u soo gudbiso xubnaha Guddiga
Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, si shaqada dib-u-eegista
Dastuurka ay u bilaabato.”Ayuu yiri Sh.Aadan Madoobe.