Abiy Axmed oo balanqaaday fulinta heshiiska uu lagalay Tigreega

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,ayaa ballan qaaday in uu si daacad ah u hirgelinayo xabbad-joojintii ay dowladdiisu la gashay mucaaradka ka soo jeeda Gobolka Tigray ee Waqooyiga Dalkaas.

Hadalkan oo uu markii ugu horreysay jeediyay tan iyo markii heshiiskaasi la kala saxiixday Labo toddobaad ka hor,ayaa Abiy wuxuu baarlamaanka dalkaasi u sheegay in haatan aan loo joogin in laga hadlo Galbeedka Tigray oo Ciidamada Qowmiyadda Amxaarada ay qabsadeen billowgii dagaalka Labada sano socday.

Inkastoo dagaalka ciidamada federaalka iyo kuwa Tigray uu joogsaday, haddana weli gargaar bani’aadannimo ma gaarin Gobolka, xilli ay Labada dhinac isku raaceen in dib loo billaabo howlihii gargaarka.

Dhanka kale, Laanqeyrta Cas,ayaa sheegtay in gargaarkii dawo ee ugu horreeyay uu gaaray Gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya tan iyo intii la kala saxiixday xabbad-joojinta.

ICRC,ayaa sheegtay in labo gawaari xamuul ay Dawo iyo agab kale geeyeen caasimadda Gobolka ee Maqalle.