Gudiga Dhaqanka iyo isgaarsiinta Baarlamaanka Puntland oo uyeeray Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

Garoowe: November,16,2022: Guddiga Arrimaha bulshada dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta Golaha Wakiillada DPL oo Gacanta ku haya, akhriska 2-aad-na ku samaynaya wax-ka-badelka Xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha rayidka ah ayaa maanta Aqalka Wakiillada kulan kula yeeshay Wasiirka Shaqada shaqaalaha dhalinyarada & ciyaaraha DPL.

Guddiga ayaa Wasiirka weydiiyey sababta keentay in xeerkan oo 2019-kii Golaha Wakiilladu ansixiyey in wax laga badelo, iyagoo sidoo kale ka dhageystay guud ahaan waxyaabaha kale ee lagu soo kordhiyey xeerkan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland