Gudoomiyayaasha Gobolada Puntland oo doortay hogaanka Ururkooda

Garowe, November 2022: Guddoomiyayaasha Gobolada Dawladda Puntland oo Malmahan safar shaqo u joogay Caasumadda Dawladda Puntland ee Garowe, ayaa doortay hogaanka ururka ay ku Mideysanyihiin Ee #AGAP.

Si loo xoojiyo isku xirka shaqada ka socota Gobolada, kala warqaadashada iyo midaynta xogaha Gobolada Wasaaraddu waxay soo dhawaynaysaa dhismaha ururka ay ku midaysanyihiin Gobolada Puntland, kaas oo muhiim u ah dardargelinta arrimaha Amniga iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Dhammaad.

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.