Iran miyaa ka danbaysa weerarka Markabka maalqabeenka reer Srael?

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee AP, weerar loo adeegsaday diyaarad laga soo buuxiyey Walxaha qarxa,ayaa habeenkii xalay weerar ku qaadday Markab nooca shidaalka ah oo marayey Biyaha dalka Cummaan.

Markabkan oo uu ka babanayey Calanka dalka Liberia,ayaa lagu magcaabaa Pacific Zircon,waxuuna siday Shixnad Shidaal oo aad u badan.

Markabka oo uu leeyahay Maalqabeen Srael udhashay,,ayaa waxaa soo gaaray khasaare baaxad leh ka dib markii ay gubteen qaybo muhiim ah.

Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay weerarkan khasaaraha geystay,waxaase la tuhmayaa in aybka danbayso Iran oo loolan adag kala dhaxeeyo Srael.

Xuutiyiinta ka dagaalama Yemen ee ay taageerto Dowlada Iran oo Aaggaas ka ag dhow,ayaa marar badan sameeyey weeeraro noocan oo kale ah kuwaas oo lagu beegsaday Maraakiibta Shisheeye ee maraya Biyaha Badda cas.

Weerarada noocaan oo kale ah ayaa ah saamayn ku yeesha qiimaha Shidaalka ee Caalamka .