Maayarada Magaalooyinka Uu ka hawlgalo Mashruuca JLPG iyo W.Maaliyada oo kulmay

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad,ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula yeeshay Gudoomiyayaasha Degmooyinka oo ka shaqeeyo barnaamijka horumarinta Degmooyinka ee JPLG.

Kulankan,ayaa looga hadlay barnaamijka JPLG ee horumarinta degmooyinka Dowladda Puntland, kaas oo Wasaradda Maaliyaddu bixiso qoondada Dowladdu ku bixiso horumarinta degmooyinka.

Kulankan intii uu socday sidoo kale waxaa looga hadlay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sare u qaadista dakhliga.

Ugu dambayn shirkaan,ayaa la isla qaatay in horaanta Sanadka 2023 la qabto shirweyne lagu nadaaminayo mideynta canshuuraha Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland