Natto oo xaqiijiyay Ruushku in uusan toos Uweerarin Poland

Madaxweynaha Poland Andrzej Duda,ayaa sheegay in ay u muuqato in Gantaalkii ku dhacay Poland uu sababay Qalabka difaaca Hawada ee Ukraine.

Ukraine waxay isku dayaysay inay ka hortagto Gantaallada Ruushka.

Xukuumadda Kyiv waxay beenisay inay ka dambeysay Gantaalkii ku dhacay Tuulo ku taalla Waddanka Poland.

Dhinaca kale, Stoltenberg oo ah xoghayaha Gaashaanbuurta Nato,ayaa sheegay in ay u muuqato in Gantaalka ku dhacay Dalkaas uu sababay Qalabka difaaca Hawada.

Wuxuu intaa ku daray in “Ruushka uu dusha saaranayo mas’uuliyadda weerarkaas madamada uu dagaal sharci darro ah ka wado Ukraine”.