Ma hirgashay Xabad joojintii Ciidamada TPLF iyo kuwa Dowlada Itoobiya?

Wararka laga helayo Gobolka Itoobiya,ayaa sheegaya in 48 ilaa 72 saacadood gudahood uu ku istaagay dagaalkii u dhexeeyay Ciidamada difaaca Itoobiya iyo kuwa Tigreega, kadib markii ay Dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF ku heshiiyeen in si rasmi ah loo soo afjaro colaaddii.

Sarkaalkan,ayaa sheegay in joojinta colaada heshiiska kadib ay muujineyso rabitaanka Labada dhibac ay u qabaan nabadda.

“Sida ku cad heshiiska Nabadeed ee ay Labada dhinac gaareen, gaarsiinta gar-gaarka bini’aadantinimo ee deg-dega ah,ayaa ah arrinta aadka ugu muhiimsan”Ayuu yiri Madaxa xafiiska arrimaha dibadda.

Gawaari ay leedahay Hay’adda Laanqeyrta Cas,ayaa gaaray Caasimada Gobolada Tigree ee Mekele.

Baabuur ay ku jiraan kuwa Barnaamijka Cunnada Adduunka,ayaa kusii jeeda Mai Tsbri,waxayna sidaan 300 metric ton oo dheeraad ah oo agab gargaar ah.