Maraykanka oo ugu hanjabay Eretereya kusii sugnaanta Ciidamadeeda Ee Tigraay

Sarkaal sare oo aan la magacaabin oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka,ayaa laga soo xigtay.

Sarkaalkan,ayaa sheegay in marka laga soo tago ciidamada Eritrea ay sidoo kale ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyaadka Canfarta ee haatan ku sugan gobolka Tigray ay ka baxaan.

Waxaa la sheegay in ciidamada Eritrea ay gudaha u galeen Gobolka Tigray ayna la safteen Ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, iyagoo halkaas ku sugnaa labadii sano ee u dambeeyay.

Dhinacyo kala duwan oo uu ku jiro Mareykanka,ayaa marar badan ka codsaday Eritrea inay ciidamadeeda kala baxdo Itoobiya.

Sarkaalkan,ayaa sheegay in ay maqlayaan in xukuumada Itoobiya iyo kooxda TPLF ay ka go’an tahay fulinta heshiiskii nabadeed ee la gaaray. Waxa ay sheegeen in ciqaab lagu soo rogi karo ciddii caqabad ku noqoto fulinta heshiiska nabadeed.

Wuxuu yiri, “Kama gabban doonno inaan cunaqabateyno soo rogno” si loo xaqiijiyo in heshiiska nabada la ixtiraamo oo la dhaqan geliyo, iyo in lala xisaabtamo kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Sarkaalkan oo aan la magacaabin oo ka tirsan saraakiisha sare ee arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa hadalkan sheegay mar uu warbaahinta siinayey xog ku saabsan geeddi-socodka heshiiska nabadda ee Waqooyiga Itoobiya.