Erdogan Muxuu ka yiri kulan dhexmara Bishar Al-asad?

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan,ayaa ka jawaabay su’aalalo ay waydiiyeen suxufiyiin Turkish ah kadib shirkii G-20 ee Indonesia ka dhacay.

Mar wax laga weydiiyay suurtagalnimada in uu la kulmo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad iyo xiriirka Turkiga uu la leeyahay Suuriya iyo Masar, wuxuu yiri Erdogan, “Ma jiri karto caro siyaasadee weligeed. Marka wakhtigu yimaado, waa in aad fariisataa oo aad, qiimeeysaa, waxaad samayn karto oo ah cusbooneysiin ku habboon.”

Erdogan, ayaa sheegay in xilligaan ay tahay in Turkigu ka fiirsado xiriirka kala dhaxeeya dalalka xurguftu ka dhaxeyso.”Waqti xaadirkaa , Turki ahaan, waxaan dib u eegi karnaa xiriirka aan la leenahay dalalka ay dhibaatada naga haysato”.ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu intaas ku daray:-“Waanu samayn karnaa mar kale, gaar ahaan doorashada June kadib. Sidaas awgeed, waxaan rajeynayaa inaan sii hayno jihada aan u socono.”.

Madaxweynaha Turkiga ayaan faah-faahin dheeri ah ka bixin su’aalaha laga waydiyay suurtagalnimada ah inuu la kulmayo madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-Asad. Hase yeeshee waxaa la ogyahay in dhowr mar uu horey u sheegay in marka kulankaas waqtigiisu yimaado uu dhacyo.