Booliska Puntland oo war kasoo saaray hawlgalo Garowe laga fuliyay

GAROWE:-Ciidamada Booliska Dowladda Puntland ayaa caawa hawlgal qorsheysan ku qaaday kooxo Cabtooy ah oo faraha kula jira dambiyo culus oo la xidhiidha ka ganacsiga daroogada kuwaas oo qeyb wayn ka ahaa mudooyinkii lasoo dhaafay falal burcadnimo iyo Amni daro oo ka dhan ah amaanka magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Hawlgalka waxaa lagu qabtay saddex ka tirsan kooxaha burcada Cabtooyda ah oo labo ka mid ah dhaawacyo soo gaareen iyo hal ruux oo nolosha lagu qabtay,hub iyo gaari Khamro ay ku wateen kuwaas oo ahaa dhamaantood dabley hubaysan oo ku hawlnayd geysashada falal amni darro iyo ka ganacsiga noocyada maandooriyaha.

Sidoo kale intii uu socday hawlgalkaasi waxaa dhaawacyo soo gaareen labo ruux oo midkood katirsan yahay ciidamada booliska iyo Qof rayid ah oo ah Haweenay,waxaana iminka lagu dabiibayaa qaar ka mid ah goobaha caafimaadka magaalada.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland waxay balanqaadayaan hadii dhib kasta kayimaado sii socoshada iyo xoojinta hawlgalka ciidamada amaanka Puntland ay ku beegsan doonaan Dadka ku lug leh falalka amni darro iyo Ganacsiga daroogada halista,waxaana hawlgalka ciidanku si xiriir ah habeen iyo maalin uga socon doonaa magaalada Garoowe illaa iyo inta laga gaarayo natiijooyin wanaagsan oo waxqabad muuqda leh.

Hawlgalkaan waxaa si buuxda isaga kaashanaya ciidanka Booliska iyo cutubyo katirsan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland waxaana si gaar ah bogaadin loogu jeedinayaa ciidamada fulinaya iyo dhamaan muwaadiniinta ku garabsiinaysa gudashada waajibaadka sugida Amniga iyo la dagaalanka burcadda dhibaatada ku haysa xassiloonida iyo Nabadgalyada ay ku naaloonayaan Dadweynaha ku nool Caasimadda Puntland iyo Guud ahaan Gobolka Nugaal.