Dowlada Somaliya Oo loo ogolaaday in ay Hub kasoo iibsan karto Itoobiya

Hubka loo ogol yahay Somaliya in ay soo iibsato waa midkii horayba sida qarsoon looga soo gadan jiray Itoobiya.

Dowlada Dhexe,Somaliland iyo Puntland,ayaa si caadiya Hubka uga soo iibsada Warshada Hubka ee Itoobiya.

Bilo ka hor Puntland iyo Somaliland,waxaa kasoo gaaray Itoobiya Gawaari door ah oo Hub sida.

Dowlada Maraykanka oo sii xoojinaysa Hub kasoo iibsashada Dowlada Somaliya ee Warshadaha Itoobiya,ayaa qayb ka ahayd kulankii dhexmaray Abiy iyo Xasan ee Xarunta Sirdoonka Itoobiya.

Beesha Caalamku weli waxay garowsan tahay in Somaliya aysan gaarsiisnayn heer laga qaadi karo cunaqabataynta Hubka.

Dadaalkii Xasan Shiikh ee qaadista cunaqabataynta,waxuu kusoo idlaaday natiijo la’aan.

Sidoo kale la dagaalanka argagixisada,waxaa kaga filan Somaliya Hubka kooban ee ubadan Rasaasta ee Itoobiya laga heli karo.

Jibril Qoobey.