Golaha Amaanka oo sheegay in dagaalkii Bosaso lagu galay danbiyo bini’aadantinimo

Dagaalkii Bosaso ee udhaxeeyay Ciidamada Puntland ee kala ahaa PSF,PMPF iyo Daraawiishta,ayaa sababay danbiyo dagaal.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey,ayaa warbixintoodii Bishii 10-aad ee Sanadkan ku sheegay in danbiyo bini’aadantinimo oo caalami ah ka dhaceen Bosaso.

Dagaalkaas,ayaa ka dhacay gudaha Magaalada Bosao oo ah Magaalo ay ku nool yihiin Bulsho aad ufara badan.

Dagaalkaas,ayaa waxaa sababay markii Madaxweynaha Puntland uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Ciidamada PSF kadibna uu u ku gacansayray xilka qaadistaas Maxamuud Cismaan Diyaano.

Warbixinta,ayaa si faahfaahsan uga hadashay sidii dagaalkaasi udhacay,waxii sababay iyo go’aamadii khilaafka sii xoojiyay.