Shirkada samaysa Diyaarada Bayraktar TB-2 oo sheegtay in aysan waxba ka ogayn Diyaaradaheeda jooga Somaliya

Sida ku cad warbixinta Golaha amaanka Qaramada Midoobey ee Somaliya Shirkada samaysa Diyaarada Drones-ka ah Bayraktar TB-2,ayaa Dowlada Turkiga iyo Dowlada Somaliya ka dalbatay faahfaahin ku aadan hawlgalo Diyaaradahaasi ka fuliyeen gudaha Somaliya.

Sida ka muuqata Warbixintan Shirkada samaysa Diyaaradan oo ah mid Qaran waxba kalama socon joogitaanka Diyaaradaheeda ee Somaliya.

Sida xogo kale sheegayaan Sirdoonka Qatar,ayaa isticmaalay saraakiil sar-sare oo ka mid ah Mileteriga Turkiga,kuwaasoo bixiyay amarka lagu geeyay Diyaaradahan gudaha Somaliya,iyadoon Dowlada Turkigu si buuxda uwada ogayn gayntaas.

Diyaaradan Bayraktar TB-2,ayaa markii ugu horaysay laga soo qaaday Sawir,iyadoo ku jirta hawlgal gudaha Somaliya,inkastoo horay loogu arkay Garoonka Aadan-cade.

Diyaaradahan,ayaa gaaraya Afar,waxaana Somaliya loo keenay qorshe ay wadatay Dowladii Farmaajo oo ahaa guluf ay qayb ka ahaayeen Ciidamada Eretereya lagu tababarayo.

Warshada samaysa Diyaaradaha Tiknoolajiyada casriga ah ee Turkiga,waxaa gacanta ku haya Wiil uu Sodog uyahay Madaxweyne Erdogan,waana mid Qaran.

Shirkada,ayaa xaq uleh in ay ogaato halka la gaynayo ama ay ka hawlgalayaan Diyaaradaheeda.

Fadeexad iyo masuuliyad daro ayay ku tahay guud ahaan Dowlada Turkiga in Milaterigeeda dhexdiisa la isticmaalay.

Dhanka kale gaynta Diyaaradahan ee Somaliya waxay ka hor imaanayaan cunaqabataynta Hubka ee saaran Somaliya.

Dowlada Turkigu marna si rasmi ah uma shaacin in Diyaaradaheedu weeraro ka fuliyeen gudaha Somaliya.

Jibril Qoobey.