Video:-Madaxweyne Xasan oo gaaray Deegaamada dirirta Shabaab hormuudka u ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Weftiga Madaxweynaha,waxaa halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle,Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka Deegaanka.

Waa socdaalkiisii ugu horeeyay oo uu ku gaaro Deegaanada ay ka socdaan dagaalka lagula jiro argagixisada.

Halkan ka daawo muuqaalka