Maxay kawada hadleen Madaxweyne Deni iyo Gudoomiye Jabiye??

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka SINCAD Mudane Maxamuud Khaliif Xassan (Eng. Jebiye).

Kulankan,ayaa looga hadley xaaladda guud ee Puntland iyo arrimaha doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

Ururada Siyaasadda,ayaa Shir wadatashi oo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ah ku balansan 27 Nov 2022.

Madaxweynaha Puntland,ayaa soo dhaweeyay Shirka Ururada siyaasaddu u ballameen, isla markanaa diyaar u yahay in doorashooyinka Goloyaasha Deegaanka la turxaan bixiyo.

Waa loo baahnaa kulankan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Gudoomiye Jabiye.

Dimuqraadiyayntu si ay ugu qabsoonto hufnaan waa muhiim in Albaabada la furo.

Guud ahaan Bulshada Puntland niyad iyo rabitaan ayay uhaysaa Dimuqraadiyaynta.

Balse,waxaa jira dareen tilmaamaya in Turxaan bixin ay ubaahan tahay Dimuqraadiyayntu.