Boocame waxay khatar ugu jirtaa loolanka Lugatoor iyo Daahir.!!

Boocame hada waa degan tahay jawigeeduna,waxuu kusoo laabtay si caadiya.

10-kii Baabuur ee duleedka Magaalada yaalay 7-ka mid ah oo ka yimid markii hore Laascaanood waa iska tageen,waxaa haray 3-Deegaanka ku abtirsada.

Daahir iyo Lugatoor waa Labada Siyaasi ee ugu cad-cad Siyaasiyiinta reer Sool ee Puntland,waana kuwa ay wal-walka ka qabaan saamayntooda kuwa Beesha Maxamuud Garaad.

Loolanka Beesha Xasan Ugaas dhexdeeda ka jira ee ay kala hogaaminayaan Daahir iyo Lugatoor,ayaa badalay jawigii xasiloonida ee lagu yaqaanay Boocame.

Lugatoor,waxa uu uga roon yahay Daahir kama adeeganayo Biyo wasakhaysan Siyaasadiisuna khatar kuma ahan deganaansha Boocame.

Balse Daahir la loolankiisa Lugatoor,waxay la gashay la shaqaysi Aaran-shaydaan iyo Somaliland.

Qayb,waxuu ka ahaa fududaynta Lacagtii lagu sahaysiiyay Maleeshiyadii timid Boocame ee Aaran laga soo qaaday.

Sidoo kale Todobaad ka hor,waxuu ku sugnaa Hargaysa oo uu hada uga sii gudbay Cumaan.

Daahir Xaaji Khaliif waa Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mideeya,waa Oday soo shaqeeyay oo masuuliyadu kala duwan kasoo qabtay Puntland hanna kasii leh mustaqbalka.

Daahir,waxaan sawirkiisa usoo qaatay in aan dareensiiyo la loolankiisa Lugatoor in aysan Beesha kala qaybin,burburina nolosha Deegaanka kuna ciyaarin xasiloonida Boocame.

Daahiroow ka dhex adeego Biyo nadiif ah.!!

Jibril Qoobey.