Ma ahayd in laga hor istaago qaadida cunaqabataynta Hubka Somaliya?

Shaqo fiican ayay ahayd in aan cunaqabataynta Hubka Somaliya laga qaadin dhawr arimood dartood…

1.Majiraan Ciidan magac Somaliyed huwan oo Dawlada dhexe iyo DG heshiis kuyihiin.

2.Majiraan Ciidan Somaliyed oo ku sugan Dhamaan xuduudaha Somaliya laga soo galo iyo kuwa laga baxo.

3.Majiraan Ciidan Somaliyed oo ka hawlgala dhamaan gudaha deegaamada Dawlad Goboleedyada kana madax banaan nidaamka 4.5 iyo awood qaybsiga Qabiilka ku dhisan.

Intaas marka laga soo tago Somaliya Siyaasada ayay ku kala tagtay dibna ugama heshiin,waana furaha dib udhiska Amni midaysan oo keeni kara qaadida cunaqabataynta.

Ilaa hada,waxaa lagu guulaysan la’a yahay dhamaystirka Dastuurka Fadaraaliga ah iyo iswaafajinta kuwa Dowlad Goboleedyada.

Hawada Somaliya,waxaa weli maamula QM kaliya,waxaa jira Laba Radio oo yaala Xamar iyo Hargaysa,waxaana fashilmay qorshe ahaa in 5-sano gudahood Somaliya ay kula wareegto Civil Aviation-keeda.

Hab dhaqankii Farmaajo ee ka xirashada Hawada Maamulada ay Siyaasiyan iskaga soo horjeedeena,waxuu hoosta ka xariiqay Somaliya in aysan weli masuul ahayn.

Ingiriiska waa Dalka sida rasmiga ah uhor istaagay in Somaliya laga qaado cunaqabataynta Hubka,halka Maraykanka,Ruushka iyo Shiinuhu rabeen in la khafiifiyo.

Hub waa weyn oo gaaraya 10-Madfac oo Gacanta ay ku hayaan Ciidamada Atmis loona isticmaali karo goobaha argagixisada oo kaliya,ayaa la ogolaaday.

Balse,waxaa dareen gaar ah ubaahan Diyaaradaha Mileteri ee Masar waxa ay keenayaan.

Jibril Qoobey.