Garaad Saleebaan si maqaam leh oo uqalantay,ayaa loo Aasay

Mid ka mid ah Isimada ugu miisaanka cuslaa,isla markaana hogaaminayay Saldano soo jireen ah oo maqaam sare ku dhex leh guud ahaan Somaliya,ayaa geeriyooday Tobaadkii hore.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo,waxaa lagu Aasay Deegaanka Sarmaanyo oo fariisin rasmi ah u ahayd Saldanada uuna ka dardaarmay.

isimada Puntland,Isimada Somaliyed,Siyaasiyiin,Aqoonyahano,Culumo iyo qaybaha Bulshada oo ka kala yimid daafaha Caalamka,ayaa ka qaybgalay Aaska Garaad Saleebaan.

Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne xigeenka Axmed Karaash,ayaa qaadatay doorkeedii una samaysay maqaam Aaska Garaad Saleebaan.

Garaad Saleebaan,waxuu ka mid ahaa Isimadii Aas-aasay Puntland una ahaa Geed fadhiga oo aan Habeen meel kale uhanqal taagin.

Si gaar ah,waxaa loogu xasuusan doonaa qadiyadiisii fadhiday ee aan guur-guuri jirin.

Rabi ha’unaxariisto Jabadiina haka waraabiyo Samir iyo imaana haka siiyo guud ahaan reer Puntland.