Khilaaf xoog leh oo ka dhex taagan Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha

Sida uu isoo gaarsiiyay Xoghayaha Sharciga ah ee Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha Maxamed Indhacade,waxaa jira khilaaf xoog badan oo ka dhex jira Ururka.

Xoghayaha iyo 15-Xubnood oo kale,ayaa Warqad cabasho ah ugudbiyay Gudiga Doorashada.

Balse Gudigu ma muujin doorkiisii dhex-dhexaadnimo,sida ay ku cabanayaan Xoghayaha iyo Xubnaha la socda.

Si gaar aah,waxay uga cawdeen Cabdinuur Shiikh Afhayeenka Gudiga Doorashada oo ay ku eedeeyeen in uu si bareer ah ugarabsiinayo Gudoomiyaha Ururka.

Xoghayaha iyo Xubnaha la socda,waxay ku doodayaan in ay xalka u arkaan qabashada Doorasho leh tixraac Sharciya oo hufan lana baaba’sho mida uu kusoo baxay Gudoomiyaha hada xilka haya.

Ugu yaraan Gudiga Doorashada,waxaa laga rabaa in ay muujiyaan masuuliyad dhex-dhexaadnimo oo tijaabo ku ah shaqadooda mustaqbalka.

Jibril Qoobey.