Maxay ka tiri hanjabaada ah in laga saarayo Gudiga Arimaha Dibada Ilhaan Cumar?

Xildhibaanad Ilhaan Cumar,ayaa u jawaabtay Hoggaamiyaha Aqalka Laga Tirada Badan yahay ee Mareykanka, Kevin McCarthy, kaddib markii uu mar kale ku hanjabay inuu ka saari doono Guddiga Arrimaha Dibadda, isagoo ku eedeeyay in ay dhowr jeer cambaareysay Israa’iil iyo Mareykanka.

McCarthy, oo doonaya in bisha January uu noqdo Afhayeenka Aqalka, ayaa hanjbaaddan ku celceliyay dhowr jeer.

“Dadaallada McCarthy ee uu igu beegsanayo si xushmad darro iyo nacayb ah — ayna ku jiraan inuu iigu hanjabo inuu iga saarayo guddiga — kama tarjumayaan arrimaha ay la tacaalayaan codbixiyeyaasheenna,”Ayay Ilhaan ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

“Ka warran haddii ay sababto cabsi iyo nacayb ka dhan ah Somalida Maraykanka ah iyo qof walba oo isirka ila wadaaga, ayna ina sii kala qeybiso,”Ayay intaa raacisay.

Iyadoo hadalka sii wadata aysy tiri,“Waa olole socda oo looga soo horjeedo codadka Muslimiinta iyo Afrikaanka, dadka xisbigiisa ay isku dayayeen inay mamnuucaan tan iyo markii ugu horreysay ee uu talada xafiiska qabtay Donald Trump”.

“Ma joojin doono u dagaallanka siyaasadaha bani’aadannimada leh ee sinnaan iyo caddaalad ay ku dheehan tahay. Ma joojin doono inaan u ololeeyo nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee daafaha dunida. Mana joojin doono inaan u dagaallamo Mareykanka oo aan dadka ku beegsaneynin isirkooda ama diintooda.” Ayay tiri.