Wasaarada Maaliyada Fadaraalka oo U jawaabtay Hanti-dhowraha Guud

Wasaaradda Maaliyadda Federaalka Somaliya,ayaa sheegtay in ay ka jawaabi doonto warbixinta uu soo saaray xafiiska Hanti dhowraha Qaranka.

“Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay la socotaa warbixinta Hanti-dhowrka Guud ee ku saabsan xisaab-xirka 2021-ka, ee uu sida tooska TV-yada uga sii daayay,iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowrka, Wasaaraddu waxa ay si qotto dheer u lafa-guridoontaa warbixinta Hanti-dhowraha Guud, iyada oo sida uga dhaqsiyaha badan Wasaaraddu ay ka soo saari doonto jawaabta ku habboon”Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda maaliyadda.

Hanti-dhowraha guud,ayaa daabacay warbixin sannadeedka 2021 ee xaaladda maaliyadeed ee Dowladda Somaliya.

Hanti-dhowraha,ayaa sheegay in Wasaaradda maaliyadda ay sanadkii 2021 lacag dhan $96,365,574 iyo dul-saarka daymeed oo dhan $14,605,118 ka daynsatay Bankiga Dhexe ee Somaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyadoon Baarlamaanka lasoo marsiin.