Anwar Ibraahim Oo noqday ra’isalwasaaraha Malaysiya 25-sano kadib

Hoggaamiyaha mucaaradka Malaysiya Anwar Ibraahim,ayaa maanta Boqorka hortiisa loogu dhaariyey ra’iisul wasaare, taasi oo soo geba-gebeysay Shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed ah.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacday caasimadda Kuala Lumpur,ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysiya.

Doorashadan Xisbi-na ma uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957.

Isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pakatan Harapan,ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii dhacday dhammaadka toddobaadkan, wuxuuna helay 82-kursi,wuxuuse aad uga hoos maray tirada loo baahnaa ee aqlabiyadda oo ah 112.

Boqorka Dalkaas,ayaa kadib kulan gaar ah la yeeshay Xubnaha kale ee Boqortooyada ka hor inta aan lagu dhawaaqin in Anwar uu yahay ra’iisul wasaaraha Wadanka.