Geelley Somaliya Oo khatar gelisay Amniga Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya

Xoolo dhaqato la rumaysan yahay inay ka soo jeedaan Waqooyi Bari Kenya,ayaa kha-khal geliyay goob uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Kithure Kindiki, ka dib markii ay rasaas ku fureen meel u dhaw deegaanka Ngomeni oo ka tirsan Magaalada Kitui.

Todobaadkii lasoo dhaafay,ayaa Labo weerar oo kala duwan lagu dilay Labo Qof,Wasiirka ayaana halkaas u tagay si uu ugu soo tacsiyeeyo Qoysaska laga dhintay.

Xiisadda u dhexaysa Xoolo dhaqatada ka soo hayaamay abaarta ka taagan Waqooyi Bari iyo Beeraleyda Deegaanka Kitui,ayaa taagneyd bilihii la soo dhaafay, waxaana jiray dedaallo ay wadaan Siyaasiyiinta Labada dhinac oo lagu dejinayo xaaladda.

Xoolo dhaqata oo u badan Geelley Somali ah,ayaa ku doodaya in ay xaq u leeyihiin in Xoolahooda ay daaq ugeystaan goob kasta oo kamid ah Kenya, hase yeeshee Beeraleyda Kitui oo soohdin la leh Gobolka Tana River,ayaa ku doodaya in Xoolaha ay ka daaqaan dalagooda, taasina ay khasaare ku tahay iyaga.

Warbaahinta Kenya,ayaa ku warrantay in wasiir Kindiki uu amray in si khasab ah Xoolo dhaqatada looga saaro Kitui oo lagu celiyo Deegaamadii ay ka yimaadeen.

“Dadkan waxa ay muddo badan ahaayeen kuwo aan la taaban karin,taasi waa in ay hadda soo afjaranto,Geelleydu waa in ay ka baxaan Deegaanka Kitui”.

Waxa uu sheegay in boolis dheeraad ah iyo laamaha kale ee amniga ay xoogga saari doonaan sugidda amniga Kitui.