Hogaaminta Taalibaan Ee Afgaanistaan oo gayaysiisay in Shacabku Kalyahooda iibsadaan Gaajo awgeed

Dadka reer Afgaanistaan ​​,ayaa siinaya Caruurtooda gaajaysan Dawooyin ay ku sarqaamiyaan- kuwa kale waxay iibiyeen Gabdhahooda iyo xubnahooda si ay u noolaadaan.

Jiilaalkii Labaad tan iyo markii Taalibaan ay la wareegeen dalkaas, dhaqaalihii dibaddana laga goostay, malaayiin qof ayaa qarka u saran macluul.

“Carruurteenna way ooyaan, mana seexdaan, ma haysanno cunto,”Ayuu yiri Cabdul Wahaab.

“Sidaa darteed waxaan aadnaa farmashiyaha, waxaana kasoo qaadannaa kaniini aan siinno caruurteenna si ay hurdo u dareemaan.”.

Ninkan waxa uu ku nool yahay meel ka baxsan magaalada Herat, oo ah Magaalada Saddexaad ee ugu weyn dalka,waxaana deggan Kumannaan Qof oo ku nool Guryo dhoobo ah,waxaana halkaas isugu yimid Dad barakacayaal ah oo ay ku habsadeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo dagaallada.

Cabdul Wahaab wuxuu ka mid yahay koox ku dhaw ​​Toban Nin oo nagu soo xoontay,waxaana weydiinay, imisa ayaa Caruurtooda Dawooyinka siinaya si ay u daroogeeyaan,waxayna ku jawaabeen in badan oo naga mid ah ama dhammaanteen.

Ghulam Hazrat waxa uu Jeebka Khamiiska uu xirnaa ka soo saaray dhowr Xabo oo Kaniini ah,kaasoo ahaa Kaniinka la yiraahdo Alprazolam,waana midka Maskax dejiye ah oo loogu talagalay wel-welka.

Ghulam waxa uu leeyahay Lix carruur ah, kan ugu yar waxa uu jiraahal sano. “Xitaa isaga ayaan siiyaa,” ayuu yiri.

Qaar kale waxay na tuseen kaniinada escitalopram iyo sertraline oo ay sheegeen inay carruurtooda siinayaan. Caadi ahaan waxaa loo qoraa dadka uu ku dhaco niyad-jabka iyo walaaca.

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in marka daawooyinkan oo kale la siiyo carruurta yaryar ee aan helin nafaqo ku filan, waxay keeni karaan dhaawac beerka ah, oo ay la socdaan dhibaatooyin kale oo badan sida daal joogto ah, hurdo iyo dabeecad xumo.

Farmashiyaha maxaliga ah, waxaan ka ogaanay inaad ka iibsan karto shan kiniin oo daawooyinkan ah kuwaas oo la iibiyo 10 lacata Afghanistan ah oo qiyaastii u dhiganta 10 senti oo lacagta Mareykanka ah, ama qiimaha xabbad rooti ah.

Qoysaska aan la kulanay intooda badan waxay maalin walba qaybsanayeen dhawr xabbadood oo rooti ah. Mid ka mid ah dumarka ayaa noo sheegtay in ay cunaann rooti qallalan subaxdii, habeenkiina ay biyaha dhex geliyaan si ay u qoyaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in masiibo bini’aadantinimo ay hadda ka jirto Afgaanistaan.

Laakiin markii Taliban ay dalka la wareegeen bishii Ogosto ee la soo dhaafay, iyada oo aan aqoonsi caalami ah helin dawladdooda cusub, ayay dhaqaalihii shisheeye ee la siin jiray Afgaanistaan ​​la xayiray, taas oo keentay burbur dhaqaale oo shaqa u horseeday ragga Herat intooda badan.

Maalinta dhifka ah ee ay shaqo helaan, waxay sameeyaan ku dhawaad ​​lacag dhan 100 Afgaanistaan ​​ah, taas oo u dhiganta wax ka yar hal doolar.

Meel kasta oo aan tagnay, waxaan ku aragnay dad lagu qasbay inay qaadaan tallaabooyin xad-dhaaf ah si ay qoysaskooda uga badbaadiyaan gaajada.

Cammaar (ma aha magaciisa dhabta ah) ayaa sheegay in lagu sameeyay qaliin lagaga saaray kelida saddex bilood ka hor waxaanu na tusay nabar sagaal inch ah – oo ay ka muuqato calaamad tolmo ah oo ku yaalla calooshiisa hoosteeda.

Waa wiil dhalinyaro ah oo ku jira da’da labaatameeyada wuxuu inoo sheegay inay dhibaato u geysay inuu qaadpo tallaabadaasi.

“Ma jirin waddo kale, waxaan maqlay inaad kalyaha ku iibin karto isbitaal deegaanka ah, halkaas ayaan tagay oo aan u sheegay inaan doonayo inaan iibiyo kelyahayga, toddobaadyo ka dib ayaa la iiga soo wacay taleefoon iyada oo la iga codsanaya inaan imaado isbitaalka,” ayuu yiri.

“Waxay sameeyeen xoogaa baaritaanno ah, ka dib waxay igu dureen dawo isuuxsay, waan baqay laakiin ma haysan wax ikhtiyaar ah.”

Cammaar waxa la siiyay ilaa 270,000 oo lacagta Afgaanistaan ​​ah oo u dhiganta 3,100 oo doolar, lacagtaas oo inteeda badan uu ku isticmaalay lacagtii ay qosykiisa cuntada ku amaahdeen.

“Haddii aan hal habeen wax cunno habeenka xiga wax cunto ah ma helno. Ka dib markii aan iibiyay kelildayda, waxaan dareemayaa inaan ahay qof bar ah, waxaan dareemayaa rajo beel, haddii noloshu sidan ku sii socoto, waxaan ka baqataa inaan dhiman doono,” ayuu yiri.

In xubnaha jirka lacag lagu iibsado maaha wax aan horay looga baran Afgaanistaan. Waxay dhici jirtay xitaa ka hor intaan Taliban la wareegin dalka. Laakiin hadda, xitaa ka dib markii ay la wareegeen, dadku weli ma heli karin dariiqii ay ku noolaan lahaayeen.

Marar badan, waxaan maqalnay dad gabdhahooda iibinaya.

“Gabadheyda oo shan jir ah waxaan ku iibiyay 100,000 Afgaanistaan ​​ah,” ayuu yiri Nizamuddin. Taasi waa wax ka yar kala badh lacagta kelyaha lagu iibiyo. Dibnaha ayuu qaniinay, indhuhuna bannaan ayay u soo baxeen.

Sharaftii ay dadka halkan ku noolaayeen gaajo ayaa dishay.

“Waan fahansanahay in ay ka soo horjeedo sharciga Islaamka, iyo in aan halis gelineyno nolosha caruurteena, laakiin ma jirto waddo kale,” Abdul Ghafar, oo ka mid ah madaxda bulshada ayaa yiri.

Xigasho:-BBC