Maxaan kala soconaa Taariikhda ra’isalwasaaraha cusub Ee Malaysiya?

Waxaa markii ugu horreysay la filayey in uu xilka qabto dhammaadkii Sagaashamaadkii, kadib markii uu Wasiirka Maaliyadda usoo noqday ra’iisul wasaare Mahathir Maxamad.

Hase yeeshee Labadooda ayaa isugu dhacay sidii loo maareyn lahaa xasaraddii dhaqaale ee Asia 1997-1998.

Abwar,ayaa xilkii Wasiirka Maaliyada laga qaaday,waxaana laga cayriyey Xisbigii UMNO.

Sidoo kale,waxaa lagu eedeeyey musuq-maasuq iyo Galmada Qoomo-Luudka eedeymahaas oo Anwar uu sheegay in ay ahaayeen kuwo siyaasadeysan.

Anwar,ayaa 1999 waxaa Lix sano oo Xabsi ah loogu xukumay musuq-maasuq iyo Sagaal Sano oo kake oo loogu xukumay eedeymaha Galmada, sanadkii xigay.

Maxkamadda Sare ee Malaysiya,ayaa 2004 baabi’isay xukunkii Galmada ee lagu riday Anwar, waxayna amartay in lasii daayo.

Anwar Ibraahim,ayaa taariikh dheer ku leh Wadanka Malaysiya,waxuuna mudo 25-sano ah usoo jaxartamayay mar in uu noqdo ra’isalwasaaraha Dalkaas,isagoo rajadaas gaaray Maanta oo uu 75-jir yahay.