Kalkaaliyayaasha Caafimaadka Ingiriiska oo Shaqo joojin ku dhaqaaqaya

Kalkaaliyaasha Caafimaadka ee guud ahaan Ingiriiska,ayaa qaban doona shaqo-joojintii ugu horreysay ee ururkooda mudo 106-sano.

Kalkaaliyayaasha Caafimaad ee England, Wales iyo Waqooyiga Ireland oo aysan ku jirin Scotland,ayaa banaanbaxa samayn doona Disembar 15 iyo 20, ll-keeda.

Ururka Royal College ee Kalkaaliyeyaasha,ayaa sheegay in dowladdu diiday dalab wadahadal oo ka dalbadeen.

Kalkaaliyayaasha Caafimaadka ee Ingiriiska,ayaa banaanbaxoodu,waxuu qayb ka yahay Shaqaale fara badan oo ka shaqeeya Warshadaha oo sidaan oo kale u dalbanaya in Mushahaarka loo kordhiyo.

Agaasimaha RCN ee Ingiriiska Patricia Marquis ayaa raali galin udiray bukaanada udiyaarsanaa qaliinka ama Dawaynta kale.

Sanadkii tagey 25000 kun oo iskugu jira Umulusooyin iyo Kalkaaliyayaal Caafimaad,ayaa Shaqada ka tagey duruufo dhaqaale yari awgeed Dalka Ingiriiska.