Nidaamka Puntland Oo 25-sano kadib ku guulaysan fariisinta hay’adihiisa Amniga iyo Garsoorka

Dhaqaalaha ugu badan,waxuu uga baxaa Dowlada Puntland Amniga,sidaas oo ay tahay weli way dhismi la’a yihiin hay’ado amni oo dhamaystiran.

Dadku Sharciga Gacanta ayay ku qaadanayaan,waana ku qanci la’a yihiin ku kala baxa Cadaalada.

25-sano kadib,waxay Dadku Garsoor uraadsanayaan Odoyaasha Dhaqanka iyo Xeer beegtidii 200-sano ka hor ka jiray Miyiga.

Khatarta ugu weyn ee ay xiligan wajahayso waa Hubka ku jira Gacanta Shacabka.

Sidoo kale Puntland arimaha amni xumada sababa ee lala dagaalamo way leedahay.

Waxaa ka hawlgala kooxaha danbiilayaasha ah ee caalamku lawada diriro…

1.Argagixisada
2.Tahriibta
3.Ganacsiga Hubka
4.Isku dhacyada Beelaha
5.Xanuunada faafa
6.Kufsiga iyo tacadiyada Haweenka.

Arimahan waxaa Puntland usoo jiiday meesha ay ku taalo,deganaanshaha,ganacsigeeda xoogan iyo nolosha Deegaamadeeda ka jirta.

Puntland waxay udhaxaysaa oo isku xirtaa Waqooyiga iyo Koonfurta Somaliya + Itoobiya.

Dhanka Badda waxay kulmisaa Laba Badood oo istiraatiijiya oo ay sanadkii isticmaalaan in ka badan 30-kun oo Markab.

Xuduud Badeed waxay la leedahay Dhulweynaha Carabta ee xasaasiga ah.

1.Dadka Puntland waa 3.9-Milyan

2.Dhulku waa Labo Boqol oo kun Km oo isku wareega.

3.Xeebta dhererkeedu waa 1630-Km.

4.Sadex Garoon diyaaradeed iyo Laba Dekadood ayay leedahay.

Hadaba Dhulkaas muhiimadaas leh,isla markaana khatarta ugu jira wax walba oo amni dari sababi kara malahan Hay’ado amni oo macno leh.

Booliska iyo sirdoonkuba Dhulkay yaalaan,waana qalfoof muuqda oo kaliya.

Puntland waa in ay heshaa Siyaasad qorshaysan,laga baaraan degay,laga tashtay,loo midoobay si loo xoojiyo..

B.Hay’adaha Amniga

T.Saraynta Sharciga

J.Ka hortagida Danbiyada.

X.Xoojinta nidaamka.

Jibril Qoobey.