Baanka Aduunka Oo Malaayiin Dolar ku maalgelinaya Mashaariicda Somaliya

Somaliya waayo soo kabasho,ayaa usoo muuqda.

Baanka Aduunka,waxaa uqorshaysan in uu geliyo Somaliya 4-ta sano ee soo socota 800-Milyan oo dolar.

Lacagtaas,waxay toos u aadaysaa Mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan kaabayaasha dhaqaalaha oo Dalku baahi weyn uqabo.

Sidoo kale Sacuudiga iyo Kuweyt waxay aqbaleen dalab Dowlada Somaliya si wadajir ah uga yimid oo ay ku codsanayso in loo qabto Shirweyne qaaraan dib udhis ah loogu ururinayo.

Shirkaas,waxaa la sadaalinayaa in Somaliya loogu deeqo ku dhawaad Hal-Bilyan oo Dolar.

Labada Dal,ayaa wada diyaarinta gogasha Shirkaas,iyagoo durba aqbal ka helay Dowlado dhawr ah oo muhiim ah.

Caalamku,waxuu wax ka bartay Dowladii Farmaajo,waxayna Beesha Caalamku isla qaadatay Somali waxay ku kala qaybsan tahay oo aysan isla ogolaan in uusan maalgelin.

Madaxweyne Xasan oo taa daba socda,waxuu abuuray jawi deganaansho Siyaasadeed iyo wada shaqayn ku salaysan.

Somaliya waa umuhiim deganaanshaha Siyaasadeed.

Jibril Qoobey.