Dowlada Fadaraalka Oo shaacisay in ay dishay Boqol ka mid ah argagixisada Alshabaab

Wasiir kuxigeenka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdulraxmaan Yuusuf Al Cadaala,ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in xalay weerar la qorsheeyey ay ku dileen dagaal yahano katirsan Alshabaab.

Weerarka,ayaa sida uu wasiirku sheegay waxaa lagu beeg sadey goob ay ku sugnaayeen in ka badan laba boqol oo xubnood oo Alshabaab ah, iyo madax gaareysa illaa iyo 12 hoggaamiye.

Wasiirka, oo sii wata hadalkiisa,ayaa waxa uu sheegay in lagu dilay weerarkan ugu yaraan boqol xubnood oo katirsan Alshabaab.

Al Cadaala,ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in weerarka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, hey’adda Nabad Sugidda, dadka deegaanka, iyo ciidamada ajnabiga ee ka hawl gala Soomaaliya.

Hawlgalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel Dheere, ee kala qeybiyaha gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.