Maxaa dhexmaray Putin iyo Merkel waayaheedii hogaaminta Jarmalka

Kadib markii uu bilowday duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo ay ka horreeyeen todobaadyo uu ciidamadiisa geynayay xuduudda labada dal, ayaa dad badan waxa ay ugu baaqeeyn Merkel iyo hogaamiyayaasha kale ee Yurub in ay go’aan adag ka qaataan Kremlin-ka.

Xildhibaan Roderich Kiesewetter oo ka tirsan xisbiga Christian Democrat (CDU) ee ay ka tirsan tahay Angela Merkel ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha hore inay ogeyd damaca Putin u uku wiiqayay Yurub, balse ay go’aansatay in lagu wajaho qaab diblomaasiyadeysan.

Waraysiga ay siisay wargeyska Spiegel ee ka soo baxa Jarmalka ayaa Merkel waxa ay ku sheegtay in dedaalkeedii ku aaddaanaa wadahadallada Minsk ay fursad u siisay Ukraine inay hesho waqti ay isugu diyaariso duullaanka ka soo foolka lahaa Ruushka.

Heshiis xabbad joojin ah,ayaa lagu gaaray Minsk, kadib markii uu Ruushka la wareegay Gobolka Crimea sanadkii 2014, kadibna xooggag uu taageerayo ay dagaal ka billaabeen Gobolka Donbas.

Qodobo muhiim ah oo ku xusnaa heshiiska, gaar ahaan hub ka dhigista maleeshiyaadka iyo korjoogayaal caalami ah,ayaan la fulin.

Angela Merkel,ayaa sheegtay in aanay wax shallayto ah ka qabin in ay xilka ka degtay bishii December, maadaama xukuumadeeda ay ku guuldaraysatay wax ka qabashada xiisadaha ka taagan Moldova, Georgia, Suuriya iyo Liibiya oo dhammaantood uu ku lug leeyahay Ruushka.

Merkel iyo Putin,ayaa labaduba soo arkay noolasha shuuciyaddii Bariga Jarmalka. Putin ayaa sarkaal ka ahaa sirdoonkii KGB,waxa uu si wanaagsan ugu hadlaa Luuqada Jarmalka, Merkel na waxa ay xoogaa ka taqaanaa Ruushka.