Shaqo abuurka Oo Puntland ka ah baahida ugu weyn Ee taagan

Baahida ugu weyn ee xiligan ka jirta Puntland si la mid ah guud ahaan Somaliya waa Shaqo abuur.

Madaxweynayaashii kala danbeeyay ee soo maray Puntland majirin mid ka mid ah oo qorshe gaar ah ka lahaa shaqo abuurka.

Sidoo kale Ganacsiga Dalka ka jira waa mid Qoys oo kooban mana jiraan Warshado waa weyn oo Shaqaale furan qaadan kara.

Boqolkiiba Todobaatan Bulshada,waxaa ka ah Dhalinyarada,waxaana Sanad walba qalanjabiya Kumanaan ka mid ah.

Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada Puntland waa ku dhawaad 3000,waana la awoodaa in la kordhiyo si Shaqo abuur looga helo.

Sidoo kale Dhalinyarada waxbaratay,waxaa lagu hawlgelin karaa tababar ahaan in ay kusii shaqeeyaan.

Dowladu way awoodaa in ay yool ka dhigato Sanadkii in ay Shaqo u abuurto 1000 Dhalinyaro ah.

Ugu yaraan Doorashada soo socota waxaa muhiim ah in tartanka lagu galo Shaqo abuurka iyo tayaynta hay’adaha amniga.

Jibril Qoobey.