Ra’isalwasaaraha ku xigeenka iyo wefti uu hogaaminayo oo Somaliya ku matalay Shirweynaha Warshadaynta Afrika

Wefti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac,ayaa ka qayb galay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey.

Wasiiru-dowlaha Ganacsiga Shariif Cabdisalaan oo horayna uga qaybgalay Shirkii Wasiirada ee lagu diyaarinayay go’aamada Qalinka lagu duugay haatan,ayaa qayb ka ahaa weftiga Ra’isalwasaare xigeenku hogaaminayo.

Madaxda shirka kasoo qeyb gashay,ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale,isla markaana la dardar geliyo wax soo saarka iyo Warshadaynta iyadoo la isu dheelli-tirayo maalgashiga.

Shirkan oo qorshuhu ahaa in uu ka qaybgalo Madaxweyne Xasan Shiikh,ayaa ubaaqday dagaalka lagula jiro argagixisada.

Shirkan,ayaa daba socdaa Shir uu hogaaminayay weftigii ku matalayay Somaliya Wasiiru-dowlaha Ganacsiga Cabdisalaam Shariif Xuseyn,kaasoo horaantii bishan qabsoomay laguna diyaariyay Qodobada & go’aamada muhiimka ah ee Warshadaynta Afrika,kuwaasoo ay haatan Qalinka ku duugeen Madaxda Qaarada.