Dadka isticmaala Basaboor Somaliga oo caqabado Dal ku gal ah kasoo wajaheen Kenya

Ganacsatada iyo Shacabka Somalida ee u kala safra dalalka Somaliya iyo Kenya,ayaa bilihii u dambeeyay wajahayay caqabado dhanka safarka ah, kaddib markii uu hakad ku yimid dal-ku-galka Kenya.

Arrintan,ayaa waxaa ay si gaar ah u saameysay dadka ku safra Baasaboorka Somaliya ee u socdaalaya Dalkan Kenya.

Kuwani,ayaa waxay isugu jiraan kuwa dalka Kenya u yimaada arrimo ganacsi, caafimaad, wax-barasho, dalxiis iyo siyaabo kale.

Somaliya iyo Kenya,ayaa ah labo Dal oo deris ah oo xad aad u dheerna wadaaga, dano badanna ay ka dhaxeeyaan.