Khariirada Wadooyinka Puntland Oo lasoo bandhigay

Hay’adda Wadooyinka PHA,ayaa soo bandhigtay samaynta Khariirada Wadooyinka Puntland.

Khariidada Wadooyinka Puntland waxaa sameeyay Dhalinyaro reer Puntland oo Deeq Waxbarasho ay horay ugu dirtay Dowlada Puntland.

Mudo Lix bilood ah ayay ku qaadatay hay’ada Wadooyinka Puntland samaynta khariiradan.

Waa talaabo loo baahnaa oo mudan in la bogaadiyo PHA iyo Gudoomiyaheeda Cabdifitaax Sugulle.

Khariidadan,ayaa lagu xirayaa Google Maps.

Waxaa hada waxii ka danbeeya la yaqaan Wado walba oo gasha Degmo iyo Deegaan kasta oo Puntland ka mid ah.

Jibril Qoobey.