Maxaa udanbeeyay weerarkii Villa Rosa Ee Muqdisho

Booliiska Somaliya,ayaa xaqiijiyey in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerareen hotel ganacsi oo ku yaal bartamaha Muqdisho.

War qoraal ah oo loo diray saxaafadda ayaa booliisku waxay sheegeen inay koox Khawaarij ah weerareen hoteel ku yaalla degmada Boondheere ee Muqdishu.

Booliiska,ayaa intaas ku daray in Ciidamada ay wadaan hawlgal lagu soo afjarayo weerarka.

Booliiska,ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka.

Weerarka,ayaa ku bilowday Qarax, kadibna Maleeshiyaad,ayaa weeraray Hotelka.

Qaraxa hore,ayaa la sheegay inuu dhacay 8:5pm waqtiga Muqdishu.

Al-Shababa,ayaa sheegay inay qaadeen weerar ismiidaamin ah caawa magaalada Muqdishu.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha weerarkan. Villa Rossa,ayaa la sheegay iay tahay goob ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta iyo siyaasiyinta Dowladda.