PUNSAA ma heli doontaa hogaamiye uqalma Oo buuxin karaa booskii Faysal Qaran?

Ururada Bulshada Rayidka ah waa umuhiim nidaamka,horumarka iyo Geedi socodka Dowladnimo ee Puntland.

Faysal Qaran oo soo hogaaminayay 5-tii sano ee lasoo dhaafay,waxuu muujiyay masuuliyad macno leh.

Nin wax og,ayuu ahaa oo leh deganaan iyo bisayl hogaamineed.

Puntlandernimadu Nin ay macno ulahayd mar walba ilaaliya danaheeda qiyam,ayuu ahaa.

Nin og buu ahaa sida Bulshada rayidka ah loogu dhibaatayn karo danaha Puntland hadii si xun loo adeegsado.

Dowlada,waxuu ula shaqeeyay si dhow,si gaar ahna Barnaamijka Dimuqraadiyaynta door fiican buu ku lahaa,waana taageeray hirgalintiisa.

Bulshada Rayidka ah ee Puntland,waxay saamayn ku leedahay mida guud ee Somaliya go’aamada kasoo baxa iyo kuwa ay qaadanayso.

Beesha Caalamka go’aamadeeda ay ka qaadato ama ku qiimayso xaalka markaa taagan iyo hiigsiga mustaqbalka saamayn ayay ku leedahay Bulshada Rayidka ah.

Haatan Bulshada rayidka ah waxay dooranaysaa hogaan cusub,waana muhiim in ay hesho hogaan uqalma.

Hogaamiyaha ay Punsaa ubaahan tahay waa in uu leeyahay astaamahan…

1.Deganaan.
2.Bisayl.
3.Fahan.
4.Qiyam.
5.Dulqaad.
6.Wax og.
7.Puntlander ah.

Jibril Qoobey.