Shacabka Shiinaha Oo ka hor yimid xayiraadaha cusub Ee Corona

Mudaaharaadyada looga soo horjeedo xannibaadaha Cudurka safmarka Covid19 ee dalka Shiinaha, ayaa u muuqda inay sii kordheen, kadib markii Dab kacay, ay ku dhinteen 10-Qof Guri Dabakh ah oo ku yaalla Urumqi.

Kumanaan Qof,ayaa isugu soo baxay Waddooyinka Shanghai, si ay u xusaan​​dhibanayaasha, oo ay uga soo horjeedaan xannibaadaha.

Dad badan,ayaa la maqlayey,iyagoo dalbanaya Madaxweyne Xi Jinping in uu iscasilo.

Ugu yaraan Saddex Qof ayay Booliiska Shiinuhu xireen in kasta oo mas’uuliyiinta ay beeniyeen.

Waxay ballan-qaadeen in ay soo celinayaan nidaamka,iyagoo meesha ka saaraya xannibaadaha.

Shiinaha,ayaa markale,waxaa sare ukacay Virus-ka Corona.