Booliska Oo shaaciyay in ay soo gabagabeeyeen hawlgalkii Villa Rays

Booliska Fadaraalka Somaliya,ayaa sheegay in lasoo geba-gebeeyey howlgal ay Ciidamada amniga ka wadeen Hotel Villa Rays oo tan iyo xalay ay ku jireen meleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix maleeshiyo, kuwaasi oo dhammaantood hadda dhintay. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan maleeshiyo, halka mid kalena uu is-qarxiyey.

Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay dhimashada sideed qof oo shacab ah iyo hal askari.

Sadiiq Doodishe wuxuu sidoo kale sheegay in lasoo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hoteelka.