Kulan lagu taageerayo Dimuqraadiyaynta Oo ka dhacay Bosaso

Bosaaso, November 28, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa,ayaa ka qaybgalay madal looga hadlayey dardargelinta arrimaha Dimuqraadiyeynta, Nabadgelyada iyo horumarka Gobolka Bari.

Musabaddaan oo ka dhacday magaalada Bosaaso ayaa ujeedkeedu in Dowladdu shacabka la wadaagto Amniga horumarka balaaran ee Gobolka ka socda iyo arrimaha dardargelinta Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa Madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo u aadan u diyaar garowga Doorashooyinka iyo ka go’naanshaha Dowladda. Sidoo kale, masuuliyiinta Dowladda ayaa shacabka uga jawaabay su’aalo furan oo si toos ah looga waydiinayey arrimaha horumarka, amniga iyo doorashooyinka.

Madashaan waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Dowladda Puntland, Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Gobolka iyo ku xigeenkiisa, Taliyaha Qaybta Gobolka Bari, Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha, Odayaasha dhaqanka, Dhallinyarada iyo Haweenka iyo guud ahaan Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Gobolka Bari, gaar ahaan Magaalada Bosaaso.

Masuuliyiinta Dowladda ee madasha ka hadashay ayaa si isku mid ah shacabka ula wadaagay horumarka, amniga iyo doorashooyinka hortabinta u ah shaqooyinka Dowladda Puntland ka waddo guud ahaan dalka, gaar ahaan Gobolka Bari, bulshada ayaa iyaguna soo dhaweeyey dhinacooda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo xirey madasha ayaa shacabka Gobolka Bari, ku booriyey in loo diyaar garoobo diiwangelinta iyo qabsoomida Doorashada.

Dhammaad

Xafiiska warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.