Wasiirka Amniga Oo dhaawaca iyo Shacab ku geeriyooday Villa Rose

Rasaas Goos goos ah,ayaa wali laga maqlayaa Hotelka Villa Rose.

Kooxdii weerarka soo qaaday,ayaa wali gudaha Hotelka ku jirta.

Mas’uuliyiini iskugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka boodey daaqadaha iyo darbiyada Hotelka.

Wasiirkii Amniga Somaliya,ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta darbiyada ka booday,ka jabay Lugta Bidix,iyadoo dhaawiciisa lagu dabiibayo isbitaalka Digfeer.

Ilaa iyo hada,waxaa la xaqiijiyay geerida dhawr Qof oo ay ku jiraan Dad qurbaha ka yimid.

Hotelka caawa la weeraray,ayaa ku yaalla inta u dhexeysa Villa Somaliya iyo Godka Jilacow.

Ciidamada amaanka,ayaa weli ku guda jira hawlgalkooda soo afjarida weerarka oo saacado badan ku qaatay.

Weerarkan oo ku bilowday Qarax,waxaa sheegatay masuuliyadiisa argagixisada Al-shabaab.