Dowlada Puntland Oo xoojinaysa Amniga Gaalkacyo kadib dhacdooyin dhacay

Talaabo loo baahnaa ayay Dowladu ka qaaday xoojinta amniga Gaalkacyo.

Labada Talye ee Daraawiishta iyo Booliska,ayaa saakay gaaray.

Cutubyo Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska ka kooban oo xoojin ah,ayaa galay Magaalada.

Sidoo kale,waxaa heegan iyo amar deg-deg ah la siiyay Ciidamada Daraawiishta ee Gobolka fadhiyay.

Afar Qodob ayay fulinayaa,kuwaasoo kala ah…

1.Soo celinta kala danbaynta iyo Sharciga.

2.Kala cayrinta Jirida is urursatay.

3.La wareegida dhamaan Dhulalka laysku haysto.

4.Is hor fariisitinta Beelaha wax kala gaareen.

Waxaa jira koox abaabulan oo udiyaarsan ku habsashada Dhulalka si ay dhaqaale uga sameeyaan.

Kooxdaas,waxaa maalgeliya Dad leh xarumo Ganacsi.

Ilaa iyo hada,waxaa diiwaangashan 13-Qof oo ku lug leh ku habsashada Dhulalka Gaalkacyo.

Shaqa fiican,ayaa laga qabanayaa markale Amniga Mudug oo uu khatar ku noqday muranka Dhulalka.