Kigame Oo weeraray Wariyayaasha reer Galbeedka Ee Qowmu-luudka udooda

Madaxweyne Kagame “ Wariye Kasta oo Reer galbeed ah oo i Waraysta Wuxuu Wax iga Weydiiyaa arimaha Qowmu Luudka,Aniguna runta ayaan u sheegaa ,Waxaan iraahdaa waxaasi annaga muhiim nooma aha,Rwanda inay taranto ayay rabtaa ee Wax iga weydii Halganka aan ugu jirno inaan Nolosha Dadkeena hagaajino .

Dhowaan waxaan tegay Qatar oo si fiican u martigelisey Koobka Adduunka,Waxaasba iyaga uma muuqdaan,waxay rabaan Koobkii adduunka inay Dunida kaga mashquuliyaan Ajendahooda Qowmu Luudka ,Waxaasi waa Gardaro fadlan diirada hala saaro Koobka.

Wanaag haduu jiro,oo ay run sheegayaan Galbeedku ,Kaalaya nooga faa”iideeya oo faafiya Waxyaabaha aad ku fiican tihiin Sida Quwada tamar dhalinta noocyadeeda kala duwan ,Abuurista wershedo waaraya oo wax soo saar Iyo Dembi baarista,Waxyaabahaas ayay Afrika u baahan tahay

hadaad tiraahdo Yurub Horumarkeeda kuuma faa”iidaynayso,lknse waxay kuu Keenaysaa Dhaqamadeeda kuwa Dhibaatada leh,kaa yeeli mayno, Doqomo miyaanu nahay “

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo u Waramayey Wargeyska Ghana Times .

Abdirzak Jubba.