Madaxweyne Deni Oo ku qaabilay qasriga Madaxtooyada wefti sare oo ka socda Midowga Yurub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Midowga Europe oo ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann iyo Wafdi ka socda Hay’adda Care International oo ay hoggaaminayso Ku-xigeenka Madaxa Care International ee Somaliya Ummykaltun Abdimajid.

Midowga Europe, Hay’adda Care Iyo Hay’adda Save the Children oo iyana Saraakiil ka socotay ay qeyb ka aheyd Wafdiga, waxaa ay Dowladda Puntland kala shaqeynayaan Mashruuca Waxbarashada Waa Iftiin oo kor loogu qaadayo Waxbarashada Puntland, gaar ahaan tayada macalimiinta iyo Heerka Waxbarasho.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.