Ruushka Oo umuuqda mid ka war wareegaya sii wadida kala shaqaynta Maraykanka xakamaynta Niyuuklerka

Wasaaradda Arrimaha Dibidda ee Maraykanka,ayaa sheegtay in Ruushku uu dib u dhigay wada-hadalladii hubka nukliyeerka ee la filayey inuu la yeesho dalka Maraykanka, kuwaas oo la qorsheeyey inay ka dhacaan magaalada Qaahira ee dalka Masar. Maraykanka iyo Ruushka toonni wax faahfaahina kama bixinin sababta keentay dib u dhigista.

Waxaa hore loo qorsheeyey in masuuliyiin ka kala socota Ruushka iyo Maraykanku inay ku kulmaan dalka Masar, inta u dhexeysa 29-ka bishan November illaa 6-da bisha December, si ay uga wada xaajoodaan in dib loo soo celiyo heshiiskii kormeerka iyo yaraynta hubka nukliyeerka ee ay wada galeen Maraykanka iyo Ruushku sannadkii 2011, kaas oo lagu magcaabo the New START, heshiiskan ayaa hakad galay bishii March ee sannadkii 2020, xilligii uu bilaabmay xanuunka COVID 19.

“Ruushku wuxuu ku wargeliyey Maraykanka inay si iskood ah dib ugu dhigeen kulanka loo ballansanaa, iyaga oo sheegay inay soo sheegi doonaan taariikh cusub oo ay labada dhinac wada kulmi karaan” ayuu yidhi afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka.

Afhayeenka u hadlay dawladda Maraykanka ayaa sheegay inaanu bixin karin faahfaahin intaas ka badan, hase ahaatee wuxuu intaas sii raaciyey in Washington ay diyaar u tahay in labada dhinac ay kulmaan xilliga ugu horreeya ee ugu macquulsan, si loo soo celiyo korjoogtayntii hubka nukliyeerka, taas oo xuddun u ahayd heshiiska labada dhinac ay wada gaadheen.

Heshiiska lagu magcaabo the New START ayaa dhaqan galay sannadkii 2011, waxaana ujeedadiisa ugu weyni ay tahay, in Ruushka iyo Maraykanku ay ka wada shaqeeyaan hoos u dhigista tirada hubka nukliyeerka iyo korjoogtayntiisaba, iyo weliba xaddidista tirade madaxyada hubka nukliyeerka ee labada dal ay daabuli karaan, iwm.

Reuters