Miyaa looga adkaaday Deni loolankii Siyaasada Dimuqraadiyaynta Puntland?

Waa laga badiyay Madaxweyne Deni,Gacantiisana,waxaa laga saaray hogaamintii Siyaasada Dimuqraadiyada.

Kubad qurxoon oo si xirfadaysan looga soo shaqeeyay lagana baaraan dagey,ayaa lagu soo laaday.

Dhamaan Qodobada ay Ururadu soo gudbiyeen waa waaqici waliba masiiriya oo loo baahnaa in la taabto.

In badan,ayaa Deni lagala hadlay in uu isbadal sameeyo,isdabciyo oo uu dhexgalo Ururada kana dhex samaysto isbahaysi.

In xitaa ay Dowladu waydo Hal Urur oo aragtideeda ku raacsan waxay muujinaysaa sida loogaga adkaaday ciyaartii Siyaasada Dimuqraadiyada.

9-ka Urur markii laga reebo Ururka KAAH oo Xukuumada ah iyo Ururka Shaqaalaha oo khilaaf dhexdiisa ah looga saaray Shirka 7-dii kale waxay wada saxiixeen Shuruudaha.

Dowlada waxa kaliya ee ufuran waa Laba Qodob midkood in ay qaadato…

1.In ay Qodobadan hirgelintooda ku dhaqaaqdo oo ay kala xaajooto Ururada sida ugu fudud ee lagu hirgelin karo.

2.In ay hakiso guud ahaan qorshihii Dimuqraadiyaynta oo Puntland udiyaar garowdo Doorashadeedii Qabaliga ahayd.

Dimuqraadiyadu Gacanta Deni ayay ku dhimanaysaa ama Mucaaradka,ayaa loo hogaansamayaa.

Jibril Qoobey.