Taalibaanka Pakistaan Oo ku dhawaaqay in ay ka baxeen Xabad joojintii bilaabayaana weeraro

Tehreek-e-Taliban Pakistan,ayaa ku dhawaaqday in ay jebtay xabad joojintii xilli Asiim Munir uu doonayo inuu la wareego hoggaanka Ciidamada Pakistan isaga oo bedelaya Jeneral Qamar Javed Bajwa.

TTP,ayaa sheegtay in ay jebinayso xabad joojintii Shanta Bilood ahayd ee ay Ciidamadu kula galeen Deegaannada Bannu iyo Lakki Marwat ee Gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

TTP,ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri..

“Waxaan si isdaba joog ah uga digaynay xadgudubyada xabad joojinta ee ciidamada. Dhanka kale, waxaan muujinnay is-xakameyn badan oo aanaan sameyn aargoosi . Si aan naloogu eedayn in aan nabada wax u dhimeyno,”.

Ku dhawaaqistaan kadib,ayaa TTP waxay ku amartay xubnaheeda in ay weeraro ku qaadaan dalkoo dhan.

TTP waxa ay weerartaa dadka laga tirada badan yahay, haweenka iyo dadka taageera horumarka.

Sanadkii 2012-kii ayaa kooxda TTP waxay rasaas ku fureen Malala Yuusuf.