Puntland Dhul baaxad leh iyo Dad bisil welise aan helin hogaan qalma

Caluula waxay ujirtaa 950-km Caasimadda Puntland ee Garowe.

Sidoo kale Garowe iyo Gaalkacyo waxay isku jiraan 229-km.

Gaalkacyo iyo Caluula,ayaa noqonaya 1179-km.

Halka Gaalkacyo ilaa Kismaayo ay isku jiraan 1250-km.

Puntland sidaas ayay ku tahay Laba meelood oo meel Dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray guud ahaan Somaliya oo lagu daray Somaliland waxay ka tahay Sadex meelood oo meel.

Dhulkaas,waxuu kaga yaala Somaliya meel muhiim ah.

Dhulweyn oo leh khayraad dabiiciya Dadkiisuna yahay kuwa nidaamka iyo Xasiloonida ubisil ayay Puntland tahay.

Dadkaas iyo Dhulkaas,waxay leeyihiin dhaqaale xoog badan oo Canshuurta laga helaa ay Bishii gaarto 10-milyan oo dolar.

Hadii loo helo maamul musuqiisu xadidan yahay waxaa loo samayn karaa Adeeg Bulsho,Shaqo abuur iyo nolol farxad ku dhisan.

Balse loolanka haystaa waa Shaqsi walba oo Maamulka xubin ka noqdaa in uu qaadanayo jiho musuq Madaxweyne ilaa Agaasime Waaxeed.

Jibril Qoobey.