Puntland Oo ka qaybgashay Shirka Wasiirada Qorshaynta Somaliya Ee Muqdisho

Wasiirka qorshaynta Puntland,ayaa ka qeybgalay shirka Golaha Horumarinta Qaranka ee Muqdishi ka dhacay.

Shirkan waxaa isugu yimid Wasiirada wasaaradaha qorsheynta ee Somaliya,iyadoo uu shir gudoomiyay Wasiirka Qorsheynta ee dawlada federalka ah ee Somaliya..

Shirkan,ayaa looga wada hadlay sidii qorsheyaasha iyo mashaariicda horumarinta wadanka loo daadejinlahaa oo loo waafajinlahaa habka Federaalka ah ee Wadanku udhisanyahay.

Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Faroole,ayaa shirka la wadaagay in Shantiii sano ee la soo dhaafay Puntland aysan mashaariicda magaca Somaliya lagu soo helay aysan qeybteedii ka helin.

Wasiirka Qorshaynta Fadaraalka Beene-beene iyo Wasiirka Qorshaynta Puntland,ayaa isku raacnay in qaabka hada wax usocdaan wax laga badalo, lana hubiyo Puntland in ay qoondeeda oo sax ah hesho.