Shirka Istaraatijiyadda Qaranka Ee Xasillinta deegaannada laga xorreeyey argagixisada Oo Xamar ka furmay

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Somaliya Saalax Axmed Jaamac,ayaa galabta daah-furay shir lagu soo bandhigay Istaraatijiyadda Qaran ee Xasillinta deegaannada laga xorreeyey kooxaha argagixisada oo ay ka soo qayb galeen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliya.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen Wasaaradaha ku shaqada leh Arrimaha xasillinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ayaa lagu soo bandhigay warbixinno waafi ah oo sharraxaya hawl-galladii u dambeeyey ee xorraynta iyo horumarrada laga sameeyey sidii adeegga aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa goobaha soo galay gacanta Dawladda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in gacan gargaar lala gaaro dadka Somaliyed ee muddo la tabaalaysnaa ficillada khawaarijta, isla markaana loo baahan yahay in la iska kaashado fulinta qorshahan ballaaran ee xasillinta ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa ka warbixiyey guulaha laga gaaray hawlagallada dalka looga xoraynayo deegannada khawaariijtu ku sugan yihiin iyadoo kaashanaysa dadka deegaankan oo u abaabulan sidii ay iskaga xorayn lahaayeen.

—-DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
Media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia